Elman oo la wareegtay dhowr ciyaaryahan oo uu hoggaaminayo Daadir Amiin+SAWIRRO

(Muqdisho) 17 Nof 2018. Tan iyo markii uu xilka guddoomiyanimo kooxda Elman loo magacaabay Cabdirisaaq Faarax Garooje, ayaa waxaa naadiga laga dareemayaa isbadel aad u sareeya, oo ku aadan hanaanka suuqa iyo xiddigaha ay kooxda la soo saxiixatay.

Kooxda Elman ayaa gacanta ku dhigtay dhowr ciyaaryahan oo magac ku leh Soomaaliya, waxaana hoggaaminaya kabtankii hore ee Banaadir Daadir Amiin Cali.

Xiddiga  xawaaraha dheer  ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta kooxda Elman ee Magaalada Muqdisho, isagoo farxad ka muujiyay ku biirista naadiga.

Sidoo kale Elman ayaa la soo saxiixatay Goolhaye Aweys Amiin,C/qaadir Direey, Seyga Ruush-ka,Cumar iyo xiddigo kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close