Cavani oo ka caraysiiyay saaxiibkiis Neymar!! (DAAWO sidii ay wax u dheceen)

(London) 17 Nof 2018 Weerar yahanka kooxda PSG iyo xulka Uruguay ee Edinson Cavani ayaa ka caraysiiyay saaxiibkiis ay isku kooxda yihiin ee Neymar.

Labada laacib ayaa isaga horyimid kulan adag oo dhex maray xulalka Uruguay iyo Brazil, Cavani ayaana guul daro la hoyaaday kadib markii xulkiisa looga adkaaday 1-0.

Cavani ayaa si daran u raacday Neymar, wuxuuna ku qasbanaaday inuu jilaafo saaxiibkiis taas oo keentay inuu jaale qaato.

Edinson ayaa isku dayay inuu soo istaajiyo Neymar oo dhulka yaalay, laakiin Neymar ayaa u muuqday mid ka caraysan qaabkii uu Cavani u jilaafay oo dhaawac gaarsiin karay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close