Neymar Jr oo ka hadlay guulaha Unai Emery ee kooxda Arsenal

(Arsenal) 16 Nof 2018. Xidiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa amaanay macalinkiisii hore ee reer Spain ee kooxda PSG Unai Emery, kadib guulaha ilaa iyo haatan uu lasoo gaaray kooxda Arsenal.

Kadib laba xili ciyaareed uu kusoo qaatay Unai Emery PSG, wuxuu kaga biiray kooxda reer London ee Arsenal si uu u noqdo badalka Arsene Wenger.

Balse Unai Emery ayaa cid kasta kaga yaabsaday in kooxdiisa Arsenal ay ku dagaalanto kaalmaha sare ee horyaalka Premier League kadib 12 kulan ee ilaa iyo haatan laga soo ciyaaray xili ciyaareedkan.

Hadaba Neymar Jr oo hal xili ciyaareed kasoo hoos shaqeeyay Unai Emery ayaa wuxuu yiri:

“Kubada cagta Arsenal uu hogaaminayo Unai Emery aad ayay u qurux badan tahay, wuxuu la gaaray guulo isdaba joog ah”.

“Qof walba wuxuu ka war qabaa awooda Unai Emery, Arsenal aad ayay u nasiib badan tahay, waan ku faraxsanaa inaan la shaqeeyo, maxaa yeelay waa tababare si adag u shaqeeya”.

“Wuxuu wax naga baray kubada cagta, waxaan wanaag oo dhan u rajeenayaa isaga iyo kooxda Arsenal”.

Hadalka Neymar Jr ayaa wuxuu imaanayaa kulanka ay caawa ku wada ciyaari doonaan xulalka Brazil iyo Uruguay garoonka  Emirates Stadium ee kooxda Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close