Muxuu ka yiri Modric dagaalka ku dhex maray isaga iyo Danny Cevallos kulankii xalay Croatia iyo Spain?

(Real Madrid) 16 Nof 2018. Xidigaha kooxda Real Madrid ee Luka Modric iyo Danny Cevallos ayaa murun xoogan ku dhex maray kulankii xalay ay ku wada ciyaareen xulalka Croatia iyo Spain tartanka UEFA Nations League.

Xidigaha khadka dhexe ee Los Blancos ayaa la arkayay iyagoo murun xoogan ku dhex marayay gudaha garoonka dhowr jeer inta uu socday kulankii xalay ee xulalka Croatia iyo Spain.

Laakiin Luka Modric iyo Danny Cevallos ayaa la hadlay saxaafada kadib marka ay soo idlaatay ciyaarta, ugu horeyn laacibka reer Spain ee Cevallos ayaa sheegay:

“Waxaa na dhex martay dhibaato yar aniga iyo Luka Modric, balse muhiim ma ahan, sababtoo ah labadeenaba waxaan difaaceenay maaliyada xulalkeena qaranka”.

“Xaaladan oo kale waa mid iska caadi ah inay ka dhacaan kulamadan oo kale, Modric waa ciyaaryahan weyn, waana shaqsi cajiib ah”.

Dhinaca kale Luka Modric ayaa isna dhankiisa hadlay wuxuuna yiri: “Danny Cevallos wuxuu difaacayay maaliyada xulkiisa, anigana sidoo kale, balse wax walba waxay ku ekaayeen gudaha garoonka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close