“Guuldarada Croatia waa mid xanuun badan, mana ahayn midaan u qalanay” – Luis Enrique

(Spain) 16 Nof 2018.Tababaraha xulka qaranka Spain Luis Enrique ayaa xaqiijiyay in guuldaradii ka soo gaartay Croatia ay ahayd mid xanuun badan isla markaana aysan u qalmin wiilashiisa.

Xulka qaranka Spain ayaa guuldaro 3-2 ah waxay kasoo gaartay dhigooda Croatia, kulankan ayaana ka tirsanaa kulamada UEFA Nations League.

Luis Enrique ayaa kulanka kadib la hadlay saxaafada wuxuuna muujiyay sida uu kaga xun yahay guuldaran kasoo gaartay xulka qaranka Croatia wuxuuna yiri:

“Kulankan oo kale wuxuu ka dhigayaa mid xoogan, sida ay ila tahay waxaan u qalanay natiijadan, waxaana ka shaqeyn doonaa sida aan u sixi lahayd qaladaadkeena”.

“Guuldarooyinka oo dhan waa mid xanuun badan, balse markale ayaan ku celinayaa uma aanan qalmin inaan la kulano guuldaradan”.

“Qeybtii labaad si wanaagsan ayaan u ciyaarnay, inkastoo aan qeyb ka nahay group aad u adag, balse waan dagaalami doonaa ilaa iyo dhamaadka, balse xaqiiqda ayaa ah inaan jecleestay qaabka aan u ciyaarnay qeybta labaad”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close