SAWIRRO XUL AH: Doorashada xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho

( Muqdisho) 15 Nof 2018. Doorashadii 7-aad xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa la soo gaba gabeeyay maanta oo khamiis ah waxaana kusoo baxay C/qani Saciid Carab oo xilkan loo doortay.

Doorashada waxaa Cod ku lahaa guud ahaan 25-ka koox ee dalka ka dhisan iyo saddex urur oo kala ah Ururka macallimiinta, ciyaartooyda iyo kan garsoorka.

Waxaa goobta xaadir ku ahaa masuul dhanka FIFA Ka yimid, wafdi ka socda CAF oo uu hoggaaminayo Saleebaan Waabari oo ka tirsan guddiga fullinta CAF, guddoomiyaasha kooxaha dalka, horjoogayaasha Kubadda cagta ee Maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa loo doortay Cali Shiine, oo ah shaqsi kaalin weyn ka qaatay soo nooleynta kubadda cagta Soomaaliya, halka guddoomiye ku xigeenka labaad uu kusoo baxay C/laahi Shiikh Nuur.

C/laahi Aawoow ayaa ka tanaasulay xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee uu u tartamayay, waxaana qudbad uu jeediyay uu mahadceliyay madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya dadaalka hagar la’aanta ah ay bulshada u hayaan

Masuulka FIFA ka socda ee Solmon Mufuzzi iyo Saleebaan Waabari oo ka tirsan guddiga Fullinta CAF ayaa si wada jir ah ugu hambalyeeyay shaqsiyaadkii kusoo baxay doorashadii Maanta.

Xubnaha guddiga Fullinta ayaa sidoo kale la doortay waxaana kusoo baxay

1:Abuukar Isloow Xasan.

2: Cabdisamad Shiikh Qaasim.

3: Yaxye Maxamed Abuukar (Aayoow)

4: Cumar Maxamuud Nuur (Mugaambe)

5:C/laahi Cusmaan Daami.

6: C/laahi Gaabshe

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close