Muxuu ka yiri C/laahi Shiikh Nuur xilka cusub ee maanta loo doortay

( Muqdisho) 15 Nof 2018.  Guddoomiyaasha kooxaha dalkeena ayaa si weyn u soo dhaweeyay in  guddoomiye ku xigeenka labaad  xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uu kusoo baxay C/laahi Shiikh Nuur.

Waa shaqsi si weyn u jecel kubadda cagta, waxa uuna in muddo ah ku dadaalayay sidii uu kaalin uu geysan lahaa hormarka kubadda cagta guud ahaan dalka.

Doorashadii  maanta ka dhacday Hotel Jaziira ayaa Dhamaan xubnihii codka lahaa waxa ay isku raaceen in C/laahi Shiikh Nuur uu yahay  shaqsi u qalma in uu ka soo dhex muuqdo hoggaanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Waxaan u mahad celinayaa qof walba oo codkiisa isiiyay, waxaana rajeenaya in shaqada la ii igmaday aan si wanaagsan ugu soo baxo ayuu Yiri guddoomiye C/laahi Shiikh Nuur.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close