Laacibka West Ham Marko Arnautovic oo ay ku dagaalamayaan muruq weynayaasha Premier League

(Premier League) 15 Nof 2018. Wakiilka laacibka kooxda West Ham Marko Arnautovic ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxaha Chelsea iyo Everton ay wada xiiseenayaan saxiixiisa.

29 jirkaan xulka qaranka Austria ayaa dhaliyay 5 gool 10 kulan ee horyaalka Premier League ah uu ka soo muuqday kooxdiisa West Ham xilli ciyaareedkan.

Daniel ee ah walaalka la dhashay Marko Arnautovic ayaa wuxuu xaqiijiyay in laacibka reer Austria uu haatan ku fikirayo ka dhaqaaqista kooxda West Ham, xili uu yabooh ka helayo in ka badan hal koox ee ka ciyaarta horyaalka Premier League.

“Runtii maahan inuu doonayo inuu baxo, lakiin waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in talaabo uu horey u qaado, isla markaana uu ku guuleysto koobab, malaha xataa Champions League”.

“Waxaa jira kooxo fara badan ee horyaal Premier League ah ee xiiseenaya saxiixiisa, tusaale ahaan sida Chelsea iyo Everton, keliya kuma koobka labadan kooxood”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close