“Dadka dhaleeceeya Sergio Ramos waxay heystaan xusuus aad u yar” – Luka Modric

(Real Madrid) 15 Nof 2018. Luka Modric ayaa si weyn kaga soo hor jeestay shaqsiyaadka sida aadka ah u dhaleeceeya kabtanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos.

Difaaca reer Spain ayaa lagu soo waramayaa in dhaleeceen xoogan iyo qeylo looga soo hor jeedo uu kala kulmay jamaahiirta ku sugan garoonka Santiago Bernabeu sabab la xiriira hoos u dhac ku yimid awoodiisa ciyaareed xiliyadii dambe ee lasoo dhaafay.

Laakiin Luka Modric oo shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulanka caawa ay ku wada ciyaari doonaan xulalka Croatia vs Spain tartanka UEFA Nations League wuxuu kaga hadlay eedeymaha Sergio Ramos.

“Ramos waa ciyaaryahan weyn, fikradayda, dhammaan dhaleeceynta uu helay ma ahan mid khuseysa, kubadda cagta, qof walba wuxuu leeyahay xusuus aad u yar”.

“Wuxuu leeyahay shaqsiyad weyn, waan hubaa in dhaleeceynta uusan xiiseeneynin isaga”.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close