Cali Shiine oo markale loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad xiriirka kubadda cagta Soomaaliya

( Muqdisho) 15 Nof 2018. Muqdisho waxaa maanta ka qabsoontay doorashadii 7’aad waxaana ku soo baxay C/Qani Saciid Carab xilli ku xigeenka koowaad loo doortay Cali Shiine.
Cali Shiine ayaa lagu xasuustaa waayihii adkaa ee 2008 illaa iyo 2010, xilli illaa iyo waqtigaan uu door muhiim ah ka ciyaarayo hormarka kubadda cagta Soomaaliya.
Maanta ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, kaddib doorashadii ka dhacday Hotel Jaziira.
“Waxaan si laba jibaari doonaa dadaalka iyo shaqada aan u heyno Dalka, u jeedkua waa in aan hormarino kubadda cagta ayuu cali Shiine u sheegay Gool FM.
Cali Shiine ayaa ahaa shaqsigii kaalinta ugu weyn ka qaatay soo nooleynta kubadda cata Soomaaliya, mahadaama uu ka shaqeeyay in tababaro ay ku sameeyaan xarunta Iskool Buluusiyo.
Gool FM