Xiddiga Chelsea Mateo Kovacic oo Sheegay in Liverpool aysan ku Guuleysan doonin Premier League SABABTAN darteed…!!!!

(England) 14 Nof 2018. Xiddiga Real Madrid Mateo Kovacic ee heshiiska amaahda ah ugu jooga Chelsea ayaa qaba in Liverpool aysan ku guuleysan doonin Premier League maadaama uu daafaca uga ciyaaro Dejan Lovren.
Reds ayaa labo dhibcood oo qura u jira kooxda xafidaneysa horyaalka Ingiriiska ee Manchester City.
Inta badan taageerayaasha ayaana aaminsan in kal ciyaareedkan uu Premier League ku guuleysan doono labadan kooxood midkood inkastoo sidoo kale aan la yareysan karin Chelsea.
Laakiin Kovavic ayaa ku kaftay in Liverpool aysan ku guuleysan doonin horyaalka maadaama uu Daafaca uga ciyaaro xiddiga ay ka wada tirsan yihiin xulka Croatia ee Lovren.
“Liverpool ma noqon doonto Horyaalka England,” 24-jirka ayaa sida u sheegay 24Sata mar uu ka hadlayay bandhig lagu ururinayay lacago samafal ah oo ka dhacayay dalkiisa.
“Sababtuna waxay tahay waxaa u ciyaara Dejan Lovren.”
Waxaa la arkaa inuu iska kaftamayo Mateo Kovacic balse ay meel xun ka gaartay Lovren.
Gool FM.