Wafdi ka socda CAF oo soo gaaray Muqdisho iyo doorashada xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo…………

(Soomaaliya) 14 Nof 2018. Muqdisho waxaa soo gaaray Wafdi uu hogaaminayo Saleemaan Waabari oo ka tirsan gudiga fulinta CAF.

Imaatinka wafdigan ayaa sabab u ah arinta la xiriirta doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Doorashada waxaa xaq u leh in ay codeeyaan 25-ka koox ee ka dhisan dalka, iyo saddex urur oo kala ah Ururka Garsoorayaasha, kan Macalimiinta iyo ururka Ciyaartooyda.

Xog hoose ayaa sheegeysa in maalinta bari ay doorashada ka dhici doonto hotel Jaziira.

Sidoo kale waxaa goobta lagu dooran doonaa guddiga fulinta xiriirka kubdda cagta soomaaliya, waxaana xusid mudan in doorashadaan tan xigta ay noqon doonta mid cod ay ku yeeshtaan gobolada dalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close