Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo FARIIN dhiiro galin ah u diray Xiddigaha Xulkeena ka hor kulankooda Galabta ee Itoobiya

(Muqdisho) 14 Nof 2018. Ra’iisul wasaaraha Jamuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hadal dhiiro galin ah u diray xidigaha Xulkeena ka hor kulankooda Galabta ee Itoobiya.

Xulka Soomaaliya ayaa galabta ciyaaraya kulankooda Furitaanka isreeb reebka koobka Oleymbikada Adduunka.

Tan iyo sidii uu xulka 17-jirada u gaaray Final kii CECAFA markii ugu horreysay Taariikhda Kubbada Cagta Soomaaliya waxaa soo kordhaya rajada laga leeyahay xulka Qaranka da’ kasta oo ay ku baxaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay hadal uu ku dhiiri galinayo xidigaha sanadkan matalaya xulkeena isagoona sheegay in si wada Jir ah loo garab istaagan yahay.

Fariinta uu Reysul wasaaraha dalka Soo dhigay boggiisa ayaa sidan u dhaceysa:

Xulka ayaa wax labo saacadood ka yar kaddib la ciyaaraya Itoobiya, Safka xulka, Natiijada, Sawirro iyo waliba faah faahin dheeri ah kala soco Goolfm.net.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close