Marouane Fellaini oo aad hadda kaddib ku arki doonto Waji Cusub…..(Timihii waynaa oo loo dhameeyay)+SAWIRRO

(England) 14 Nof 2018. Markaad maqasho Marouane Fellaini waxa durba kugu soo dhacaya Timaha uu ku caan baxay ee Afro balse hadda kaddib waji Cusub ayaad ku arki doontaa laacibka kaddib markii uu gabi ahaan iska jaray Timihii waynaa.

Xiddiga reer Belgium ayaa bartiisa Twitter ka soo dhigay sawiro isagoo tinta dhulka dhigay taa uu ugu dabaal degayo dhalashadiisa oo ku soo food leh.

Taageerayaasha oo ku soo yaacay baraha blushada ayaa afka kala haya iyagoo aad ula yaaban muuqaalka cusub ee joog dheeraha la soo baxay.

Qaar ayaaba aaminsan in awoodiisii ay dhammaatay mar haddii uuba iska xiiray tintii Afro.

DAAWO SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close