Juventus oo dharbaaxo xoogan la damacsan kooxda Barcelona

(Barcelona) 14 Nof 2018.  Juventus ayaa go’aamisay xidiga ay badalka kaga dhigan doonto hadii ay ku guuldareysaro raacdada ay ugu jirto saxiixa difaaca kooxda Real Madrid ee Marcelo.

Wargeyska “Tuttosport” ayaa shaaca ka qaaday in macalinka kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri uu xiiseenayo inuu sameeyo saxiixa difaaca garabka bidix ee kooxda Barcelona Jordi Alba hadii uu ku guuldareysto Marcelo.

Kooxda Juventus ayaa lala xiriirinayay xiliyadii lasoo dhaafay saxiixa Marcelo, si ay kaga dhigato badalka Alex Sandro, kaaasoo dalabyo kala duwun ka helaya kooxaha waaweyn ee Yurub.

Dhinaca kale Barcelona ayaa ilaa iyo haatan aanan u dhaqaaqin suurtagalnimada ay Jordi Alba ugu kordhin lahayd gandaraaska uu ku joogo garoonka Cump Nou ee dhacaya sanada 2020.

Gool FM.

 

 

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close