DEG DEG: Itoobiya oo Silcisay Soomaaliya xilli uu Kaarka Cas ka qaatay Xiddig markaas Gool u dhaliyay

Adis Abbaba) 14 Nof 2018. Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro qaraar kala kulmay dhigooda Itoobiya oo 4-0 ku martay kulan ka tirsanaa isreeb reebka Ciyaaraha Oleybikada Adduunka.

Qeybta hore ayaa lagu kala nastay 2-0 oo uu ku hogaaminayo dalka aan Martida u nahay ee Itoobiya.

Goolka koowaad waxaa Itoobiya u dhaliyay xiddiga u xirta lambarka 8-aad laacibka lagu magacaabo Markneh daqiiqadii 28-aad.

Halka uu goolka labaad u xareeyay weeraryahankooda Lambarka 9-aad Eshetu daqiiqadii 39-aad.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta waxaa la rajeenayay in wax uun la imaan doono xulkeena balse ma ay dhicin oo waxaa loo kordhiyay goolasha.

Gebremikael ayaa goolka saddexaad ka dhaliyay Soomaaliya daqiiqadii 67-aad.

Saddex daqiiqo uun kaddib Sanni oo badel ku yimid ayaa goolka afaraad ka muday Xulkeena balse nasiib darro kaarka cas ayaa loo taagay.

Soomaaliya ayaa lugta labaad Itoobiya kula ciyaari doonta dalka Jabuuti 21-ka bishan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close