Xiddigaha ugu Fiican Premier League ilaa iminka Xilli Ciyaareedkan oo KOOX laga sameeyay….(Yaa kooxdaada kaga jira???)

(England) 13 Nof 2018. Premier League ayaa ku socda si xiiso leh iyadoo saddexda kaalin ee sare ay kala xirteen Manchester City, Liverpool iyo Chelsea ilaa iminka 12-ka kulan ee la ciyaaray welina kooxahan dhinacooda dhulka lama dhigin.

Express ayaa shax ka sameysay xiddigaha ugu fiican horyaalka Ingiriiska ilaa iminka.

Manchester United oo iyadu si naf lacaari ah ku socota kal ciyaareedkan ayaan midna ku lahayn shaxda halka sidoo kale la qadiyay Arsenal inkastoo ay qaab ciyaareed fiican ku jirto.

Goolhayaha Shaxdan ayaa laga dhigay midka shabaqa u ilaaliya Wolves ee  Rui Patricio maadaama uu door wayn ka ciyaaray inay kooxdu soo xirato kaalinta 7-aad ee horyaalka.

Premier League Team of the Season

Daafaca waxaa ka wada ciyaaraya wiilasha Liverpool ee Virgil van Dijk iyo Andrew Robertson, waxaana ku wehliya xiddiga Mancheser City Aymeric Laporte.

Qadka dhexe waxaa qabsaday xiddigaha Guardiola David Silva, Raheem Sterling iyo Fernandinho, waxaana ku lamaaniya Ryan Fraser ee qadka dhexe ee weerarka kaga ciyaara AFC Bournemouth.

Fraser ayaa shaxda lagu soo daray maadaama uu yahay laacibka ilaa iminka caawinta ugu badan ka sameeyay Premier League kal ciyaareedkan 6-caawin.

Weerarka ayaa waxaa ka wada ciyaaraya xiddigaha waa wayn ee Eden Hazard, Maxamed Saalax iyo Sergio Aguero.

EEG SHAXDA:

Premier League Team of the Season

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close