Wakiilka Alexis Sanchez oo xiriir la sameeyay mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee La Liga

(Manchester) 13 Nof 2018. Weeraryahanka reer Chile iyo kooxda Manchester United Alexis Sanchez ayaa xiiseenaya inuu ka dhaqaaqo garoonka Old Trafford, si uu kaga dheeraado cadaabka Jose Mourinho.

Wargeyska “Sport” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in wakiilka 30 jirkan ee Fernando Felicevich uu wada hadal la galay kooxda ka dhisan caasimada ee Real Madrid, si ciyaaryahanka uu ugu dhaqaaqo suuqa furmi doono bisha Janaayo.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Fernando Felicevich uu xiriir la sameeyay maamulka kooxda Real Madrid si uu u ogaado sida ay u doonayaan adeega xidiga uu dalaalka ka yahay.

Real Madrid ayaa la fahansan yahay in si weyn ay u dooneyso inay isaga xoojiso dhanka weerarka, xili Alexis Sanchez uu ka mid yahay xidigaha sida weyn loogu tix galiyo booskan.

Waxaa la filiyaa in Los Blancos ay soo dhaweyso saxiixa laacibka reer Chile ee Alexis Sanchez suuqa furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan.

Laakiin Real Madrid ayaa waxay loolan ku aadan saxiixa Alexis Sanchez ay kala kulmi doontaa dhigeeda reer France ee Paris Saint-Germain, taasoo sidoo kale loo soo bandhigay mudo labo Isbuuc ka hor.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close