Laurent Blanc oo ka warbixiyay ciyaaryahanka uu jeclaan lahaa inuu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or

(France) 13 Nof 2018. Macalinkii hore kooxda Paris Saint-Germain ee Laurent Blanc ayaa si weyn u amaanay xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Real Madrid Raphael Varane.

Wargeyska “L’Equipe” ayaa daabacay wareysi uu dhawaan bixiyay macalinkii hore kooxda Paris Saint-Germain ee Laurent Blanc, kaasoo uu kaga hadlay abaal marinta Ballon d’Or.

“Abaal marinta Ballon d’Or, codkeyga waxaan siinayaa Raphael Varane, sababtoo ah wuxuu kusoo guuleestay tartanka Champions League iyo koobka aduunka”.

“Varane waa mid iga fiican igana awood badan, waa xidig nasiib badan, wuxuu qeyb ka yahay mid ka mid ah kooxaha ugu fiican aduunka mudada 8-dii sano ee lasoo dhaafay”.

“Wali da’adiisu waa 25 jir, wuxuuna kusoo guuleestay 4 jeer tartanka Champions League, wuxuuna sidoo kale ciyaaray in ka badan 50 kulan ee ah xulkiisa qaranka France”.

“Waxa uu Raphael Varane sameeyay waa wuxuusan horey u sameynin ciyaaryahan reer France ah, xili uu ka ciyaaro qeybta difaaca, waxaa sharaf weyn ii ah in la ila barbardhigo isaga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close