Eden Hazard oo arintan muhiimka ah kaga mahad celiyay Joe Cole

(Chelsea) 13 Nof 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium Eden Hazard, ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambeesay inuu ku biiro Chelsea sanadii 2012, kadib markii uu ka yimid kooxda Lille.

Eden Hazard ayaa sheegay in laacibkii hore kooxda Chelsea ee Joe Cole uu sabab buuxda u ahaa imaatinkiisa garoonka Stamford Bridge, isaga oo sheegay inuu kaga  mahad celinayo taladan.

Hazard iyo Cole ayaa saaxiibo kusoo ahaa safka kooxda Lille, waxayna ka caawiyeen in booska kaalinta saddexaad kaga dhameystaan horyaalka France Ligue 1, taasoo u sahashay inay u soo baxaan tartanka Champions League.

Laacibka reer Belgium ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mirror” ee dalka England wuxuu kaga hadlay doorka uu Joe Cole ku lahaa imaatinkiisa kooxda Chelsea.

“Waxaan la hadlay Joe Cole kahor inta aan heshiiska u saxiixin kooxda Chelsea, maalin kasta ayaan arintan kala hadli jiray isaga, wuxuuna ii sheegi jiray in Blues ay tahay koox fiican”.

“Chelsea waxay ahayd koox weyn, waxaana suuragal ah inay ku guuleysato koobab xilli ciyaareed kasta, waana sababta aan ugu biiray, sidaas darteed waad ku mahadsan tahay Joe Cole”.

Hadalka Eden Hazard ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii uu Joe Cole maanta ku dhawaaqay in gabi ahaanba uu kaga fariistay kubada cagta da’aada 37-aad, kadib mudo dhan 20 sano uu kusoo dhex jiray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close