Mustaqbalka Solari ee Real Madrid oo Maanta la Go’aaminayo…(Miyaa laga saari doonaa ku meel gaarnimada?)

(Madrid) 12 Nof 2018. Mustaqbalka Tababare Santiago Solari ee Real Madrid ayaa Maanta la go’aamin doonaa.

Halyeyga Los Blancos ayaa iminka si ku meel gaar ah u sii haya xilka kooxda kaddib markii la ceyriyay  Julen Lopetegui bishii tagtay.

Solari ayaa adkaaday afarta kulan uu ilaa iminka hogaamiyay Camaaliqada reer Spain waxayna u badan tahay in ku meel gaarnimada laga saari doono oo si rasmi ah xilka loogu caleemo saari doono.

Sharciyada horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa sheegaya in tababarayasha ku meel gaarka ah aysan xilka sii heyn karin wax ka badan 14-beri, wixii maalmahaas ka dambeeyana waa qasab in xilka laga dhigo ama si rasmi ah loogu dhiibo.

Labo Usbuuc ayaa iminka laga joogaa markii ay Real Madrid xilka si ku meel gaar ah ugu dhiibatay Solari, waxaana looga fadhiyaa inay maanta go’aamiso mustaqbalkiisa haddii ay xilka ku wada aaminayaa iyo haddii ay qof cusub magacaabi doonaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close