Mata iyo Sanchez oo aad uga Careysiiyay Taageerayaasha Man United….(Bal Arag waxa ay sameeyeen intii uu socday kulankii xalay ee Manchester Derby)

(Manchester) 12 Nof 2018. Taageerayaasha Manchester United ayaa aad uga carooday Fal ay sameeyeen xiddigahooda Juan Mata iyo Alexis Sanchez intii uu socday kulankii ay guul darada 3-1 kala kulmeen dariskooda Manchester City.

Labada laacib ayaa lagu soo bilaabay keydka, balse waxaa taageerayaasha lama filaan ku noqotay in Sanchez iyo Mata ay Qosol iyo kaftan camirtaan xilli kooxdoodu lagu hogaaminayay 1-0.

Man United ayaa aad u dhibtooneysay qeybta hore ee ciyaarta iyadoo weeraryahanadeeda Martial iyo Rashford ay wax khatar ah gaarsiin waayeen daafacyada City.

Balse, Mata iyo Sanchez waxay u muuqdeen kuwa aanba waxba ka galin sheekadaa oo Qosol iyo qaraaxo ayay keydka ku camirteen.

Taageerayaasha Man United oo ku soo yaacay Baraha bulshada gaar ahaan Twitter ka ayaa aad u dhaleeceeyay falka labadooda laacib.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close