Gonzalo Higuaín oo raali galin u diray jamaahiirta kooxda AC Milan

(Milan) 12 Nof 2018. Gonzalo Higuaín ayaa raali galin u diray jamaahiirta kooxda AC Milan, kadib rigooradii uu ka qasaariyay iyo kaarkii rooasaha uu qaatay inta lagu jiray kulankii xalay ee Juventus.

Juventus ayaa guul muhiim ah kaga soo gaartay dhigeeda AC Milan garoonka San Siro 2-0, kulankooda 12-aad ee horyaalka Serie ee dalka Talyaaniga.

Higuaín ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee “Sky Sports”  wuxuu raali galin u diray jamaahiirta kooxda Rosanerri wuxuuna yiri:

“Waxaan raali galin u dirayaa jamaahiirta kadib kaarkii roosaha ee aan qaatay, aad baan u carooday, laakiin manihin makiinado, mana raadinayo cudur daar”.

“Waxaan sameeyay qalad weyn rigooradii aan tuuray, Szczesny si cajiib ah ayuu u bad baadiyay, balse waa inaan diirada saarnaa kulamada soo socda”.

Daqiiqadii 84-aad weeraryahanka kooxda AC Milan ee Gonzalo Higuain ayaa loo taagay kaarka roosaha kadib qalad uu ku gulay difaaca kooxda Juventus ee Benatia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close