DEG DEG: Lionel Messi oo ku Guuleystay Laacibka sanadka iyadoo sidoo kale loo gacan galiyay Abaal marinta Pichichi

(Spain) 12 Nof 2018. Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ku qaaday 34-gool.

Kabtanka Barcelona waxaa abaal marinta guddoonsiyay Agaasimaha MARCA Juan Ignacio Gallardo.

Laacibka reer Argentina ayaa sidoo kale ku guuleystay abaal marinta Di Stefano trophy, taa oo la guddoonsiiyo laacibka ugu fiican horyaalka Spain.

Messi ayaa ka soo laabtay dhaawac jab ah oo gacanta ka gaaray inkastoo xalay kooxdiisa ay guul darro qaraar kala kulantay Real Betis

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close