Conte oo ka warbixiyay kooxaha sanadkan ku guuleysan kara Champ’ League iyo horyaalka uu xiiseenayo inuu ka shaqo bilaabo

(Italy) 12 Nof 2018. Macalinka reer Talyaani ee Antonio Conte ayaa xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo markale horyaalka Serie A, kadib marka uu soo idlaaday safarkiisa kooxda Chelsea.

Antonio Conte ayaa laga ceyriyay shaqada tababarka ee kooxda Chelsea dhamaadka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, xili isbuucyadii lasoo dhaafay la hadal hayay inuu noqon doono badalka Julen Lopetegui ee Real Madrid.

Laakiin macalinka reer Talyaani ayaa dhawaan wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay in markale uu dib ugu soo laabanayo shaqada tababarka.

“Haatan ma ahi tababare, balse waxaan ku suganahay guriga, waxaan daawadaa kulamada qaar, waxaana la xiriiraa dhowr saaxiibadey ah”.

“Waxaa suuragal ah inaan dib ugu soo laabto shaqada tababarka ee dalka Talyaaniga, wax walba waa suuragal, waxaan haatan ku suganahay Talyaaniga, waan ku faraxsanahay dalkeyga”.

Intaas kadib Antonio Conte ayaa wuxuu ka hadlay kooxaha uu filayo in xili ciyaareedkan ay ay ku guuleysan karaan tartanka xiisaha badan ee Champions League wuxuuna yiri:

“Waxaan isleeyahay 4 ilaa iyo 5 kooxood ayaa sidaas sameyn karta, Juventus qeyb ayay ka tahay, waa koox awood badan, waxay lasoo saxiixdeen xidigo muhiim ah”.

“Wax dan ah kama lihi inaa macalin u noqdo Cristiano Ronaldo, mana ku fikirayo, waxaan ku faanayaa ciyaartoyda aan ku soo tababaray kooxda Juventus”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close