Casemiro iyo Nacho oo garoomada ka maqnaan doona ilaa……

(Madrid) 12 Nof 2018. Real Madrid ayaa ogaatay in xiddigaheeda Casemiro iyo Nacho ay garoomada ka maqnaan doonaan saddex usbuuc ilaa labo bilood.

Labada laacib ayaa dhaawac looga saaray ciyaartii xalay ay ka adkaadeen Celta Vigo iyadoo uu wiilka reer Brazil badel codsaday 20-kii daqiiqo ee ugu horreysay kulanka.

Warbixin ay iminka soo saartay Los Blancos ayaa lagu xaqiijiyay in Casemiro uu la dhibtoonayo dhaawac Canqowga midig wuxuuna garoomada ka maqnaan doona ilaa Saddex Usbuuc.

Halka sidoo kale Warbixinta lagu sheegay in Nacho uu gaaray dhawac Jilibka Midig ah kaa uu garoomada uga maqnaan doono muddo labo bilood ah.

Marka laga soo tago labada laacib waxaa sidoo kale xalay ay jug gaartay Sergio Reguilon inkastoo aan la shaacin mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Real Madrid  waxaa dhaawacyo horey uga qabay Marcelo, Raphael Varane iyo Jesus Vallejo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close