Sanchez oo Gadood ka ah Xiddigaha United isagoo kaliya la Hadla Seddax Laacib

( Manchester ) 11 Nof 2018. ALEXIS SANCHEZ ayaa qarka u saaran inuu ka hayaamo Man United wuxuuna sheegay inuu gadood ka yahay qolka labiska kooxda.

Xiddiga ayaa kaliya la hadla seddax cayaariyahan oo saaxiibadiisa kooxda ah, sida ay ku warameyso Mirror.

David De Gea, Juan Mata, iyo Romelu Lukaku ayaa loo maleynayaa iney yihiin saaxiibada kaliya uu la hadli karo  Sanchez .

Ninka reer Chile ayaa hoos u dhac weyn ku yimid tayadiisa cayaareed tan iyo markii uu ku biiray Old Trafford.

Image result for Alexis Sanchez ‘only speaks to three Manchester United team-mates’ as striker seeks Old Trafford exit

Waxayna taas sababtay 29-jirkaan weerarka ka dheela inuu dareemo kalinimo iyo iska indho tir ‘, The Times ayaa sheegeysa in haatan uu ku fikirayo inuu ka dhaqaaqo kooxda waxaana dooqa kowaad uu u yahay naadiga PSG.

Sanchez ayaa kulamadii dambe muujiyay hibadiisa cayaareed isagoo guul gacanta ka saaray kooxda kulankii guusha soo laaabashada ah ay ka gaareen Newcastle iyo inuu sabab u ahaa goolkii barbarha uu Anthony Martial ka dhaliyay Bournemouth.

Yeelkeede, Man United ayaa laga yaabi karaa iney beeciyaan laacibkan todobaadkii mushaar ahaan jeebka ku rita £505,000- oo Pound.

Jose Mourinho ayaa booska xiddiga Chile doonaya inuu lasoo saxiixdo sida uu qiray laacibka Inter Ivan Perisic marka daaqada jilaalka furmato bisha January.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close