Liverpool oo Guul Sahlan ka Gaartay Fulham+SAWIRRO

( Premier League ) 11 Nof 2018. Liverpool ayaa ku dhibtoon iney guul ka gaaran dhigeeda Fulham oo ay kaga badiyeen 2-0 kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda guriga, waxaan u dhaliyay laacibka Mohamed Salah oo dhameystiray kubbad weerar celis aheyd.

Ka hor goolka Reds fulham ayaa laga diiday gool garab dhaafa ama leen kabaxa.

Dib markii la isugu soo laabtay kaambiyaha dambe Liverpool ayaa heystaya maamulka dheesha.

Waxaana goolka labaad u dhaliyay Xherdan Shaqiri oo si caaqiba leh ku dhameystiray diib ka yimid daafaca bidix ee Andy Robertson daqiiqadii 53-aad.

Guusha Liverpool ayaa ka dhigan in si kumeel gaara ay hogaanka ku qabtaa ilaa kulanka City ee fiidka Caawa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close