Chelsea oo Bar-Baro la dhaafi weysay Everton xili weli ay guuldarro la’aan yihiin+SAWIRRO

( Premier League ) 11 Nof 2018. Chelsea ayaa awood u yeelan weysay iney dhaafo kooxda Everton oo marti u aheyd kaddib markii ay ku heshiiyeen bar-baro 0-0.

laba dhinac ayaa dhibacaha qeyb saday inkastoo kooxda Serri ay sameysay isku dayo halis ahaa.

Goolahayaha Everton Jordan Pickford ayaa sameeyay badbaadin badan waxaa kamida aheyd kubbadd daro halis aheyd uu ka badbaadiyay Marcos Alonso  bilaawga qeybta labaad.

Sido kale Xiddiga Willian ayaa sigay fursad kale uu hogaanka ugu dhiibi karay kooxdiisa inkastoo isku daygaas uu banaanka goolka mariyay.

Bar-baran ayaa ka dhigan in Chelsea ay fadhiso kaalinta seddaxaad ee kala sareynta waxayna lee yihiin 28 dhibcood.

Kooxda maamulaha reer talyaani ee Maurizio Sarri weli waa guuldarro la’aan kulamada horyaalka iyo dhammaan tartamada qaarada yurub waana kooxda kaliya ee rikoodhkaa heysata.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close