Barcelona oo lagu Bahdilay garoonkooda Kaddib Guuldarro ay kala kulmeen Real Betis+SAWIRRO

( La Liga ) 11 Nof 2018. Barcelona ayaa lagu xasuuqay garoonkooda Camp Nou kaddib markii ay guuldarro xun kala kulmeen Real Betis oo kaga adkaatay 4-3.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaanimeysay kooxda Betis, waxaana goolka daah furka u dhaliyay daqiiqadii 20-aad Junior Firpo.

Intaa kaddib waxaa hogaanka usii dheereeyay laacibka da’a ah ee Joaquin Markii dheeshu socotay 34-daqiiqo.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Lionel Messi ayaa gool usoo celiayy kooxda Barca kasoo ahaa Gool ku laad ama rigoore.

Laakiin naadiga marti ayaa ka walwalin cadaadis walba oo kaga imaanayay Barcelona waxayna la yimaadeen goolkooda seddaxaad ee kulanka waxaana goolka u gaaray xiddiga Giovani Lo Celso.

Durbadiiba Barcelona ayaa markale heshay gool waxaana shabaqa gaaray Arturo Vidal. Basle waxaa calaamada casaanka la siiyay Rakitic.

Taas ayaana u suura galisay kooxda Real Betis iney dhaliyaan goolka afaraad ee cayaarta waxaana u dhaliyay Sergio Canales.

Balse Goolka seddaxaad uu Barcelona u dhaliyay Messi ayaa u awoodi waayay inuu guuldarro la badbaadiyo waxayna dheesha ugu dambeyn ku idlaatay 4-3 oo au ku badisay Real Betis.

Waa guuldarradii ugu horreysay ee Barcelona usoo gaarta garoonkooda tan iyo sanadkii 2016-kii, Sido kale waa guushii u horreysay oo ay Betis ku gaarto garoonka Camp Nou muddo 20-sano ah.

Image result for Barcelona 3 - 4 Real Betis

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close