Xulka Qaranka Soomaaliya oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha iyo KABTANKII Hogaamin lahaa oo lagu Dhawaaqay

(Moqdisho) 10 Nof 2018. Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade halkaa oo ay ka duulayaan dhawaan.

Soomaaliya  ayaa ka qeyb galeysa isreeb reebka Oleymbikada Adduunka waxaana la rajeenayaa inay guulo fiican ka soo hoydo maadaama ay tababaro adag dhawaanahaanba ka wadeen Garoonka Jaamacadaha.

Xiddigo ka kala socda heerka koowaad iyo labaad ayaa matalaya xulka qaranka Soomaaliya oo lagu wado inay 14-ka bishan la ciyaaraan xulka Itoobiya.

Macalin Fara Yare ayaa Kabtanka xulka Qaranka u Magacaabay daafaca birta ah ee kooxda Benaadir Ciise Cabduqaadir.

Waxaa xusid mudan in Ciise uu sidoo kale kabtan u yahay naadigiisa.

Faah -faahin dheeri ah iyo waliba Sawirro xul ah dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa insha’alaah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close