Valverde oo soo saaray liiska xidigaha Barcelona ee kulanka Real Betis, (miyuu Messi kusoo baxay mise?)

(Barcelona) 10 Nof 2018. Tababare Ernesto Valverde ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxda Barcelona kaga qeyb galaya kulanka xiisaha badan ay Axada kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga dhigooda Real Betis.

Lionel Messi ayaa ku soo laabtay liiska kooxda Barcelona markii ugu horeysay tan iyo markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Sevilla, kadib markii u helay warqada fasaxa ee dhakhtarka isag iyo difaaca reer France ee Samuel Umtiti si ay kulankan kaga qeyb galaan.

Laakiin taas badalkeeda Valverde ayaan liiskan kusoo darsanin xidigaha, Philippe Coutinho, Thomas Vermaelen oo ku maqan dhaawac iyo Ousmane Dembélé oo isna sababo farsamo ee dhanka macalinka ah ku seegaya kulankan.

Hadaba liiska xidigaha kooxda Barcelona ee kulanka Real Betis ayaa kala ah:

Ter Stegen, Cillessen, Semedo, Pique, Rakitić, Busquets, Denis Suárez, Arthur Melo, Aleñá, Umtiti, Vidal, Sergi Roberto, Munir El Haddadi, Jordi Alba, Lenglet, Malcom, Suarez, Rafinha, Lionel Messi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close