Muxuu ka yiri Victor Lindelof kulanka xiisaha badan ee Manchester derby?

(Manchester) 10 Nof 2018. Difaaca kooxda Manchester United Victor Lindelöf ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay qaadan doonto xili ciyareed fiican hadii ay guul ka gaarto kulanka habeen dambe ee Manchester derby.

Victor Lindelöf ayaa xubin muhiim ah ka noqday qorshaha tababare Jose Mourinho, wuxuuna qeybta dambe ee difaaca dhexe ku wehlayaa Chris Smalling.

Inkastoo Victor Lindelöf uu la kulmay dhaleeceeno fara badan, hadana ugu dambeyntii wuxuu hantiyay kalsoonida macalinka reer Portugal.

Victor Lindelöf ayaa kahor kulanka Manchester derby u sheegay saxaafada: “Waxaan qabaa in xilli ciyaareedkeenu uu isbedeli doono”.

“Way iska cadahay inaan dooneyno in kulan kasta aan guuleysano, laakiin dhibaatada waxay ahayd qaabkii aan kaga bilaabanay xili ciyaareedkan, waxay ahayd xaalad aad u adag”.

“Laakiin haatan waxaan gaarnay natiijooyin aad u wanaagsan kulamadii lasoo dhaafay, sidaasi darteed waa inaan sii wadnaa inaan shaqeyno maalinba maalinta ka dambeysa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close