Mourinho oo ka warbixiyay go’aankiisa kaga aadan ka qeyb galka Romelu Lukaku kulanka Manchester derby

(Manchester) 10 Nof 2018. Romelu Lukaku ayaa seegay saddexdii kulan ugu dambeesay ay ciyaartay kooxda Manchester United, Red Divalis ayaana guuleesatay dhamaan kulamada uu ka maqnaa Lukaku.

Weeraryahanka reer Belgium ayaan ku bilaabanin xili ciyaareedkan si wanaagsan sida xili ciyaareedkii hore oo kale, mana uusan lahayn sidoo kale waxtar gooldhalineed.

Red Devils ayaa tan iyo inta uu ka maqnaa weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku waxay guulo ka gaartay kooxaha Everton, Bournemouth iyo Juventus.

Dhaawac uu qabay ayaa laga yaabaa inuu sabab u ahaa maqnaanshaha Lukaku ama ay suuragal tahay in Mourinho uu ku cadaadinayo laacibkan maadaama qaab ciyaareedkiisa uu hoos u dhac weyn ku yimid.

Laakiin kahor kulanka Manchester derby ee soo socda Mourinho ayaa la weydiiyay suurtogalnimada uu Romelu Lukaku kaga qeyb gali karo kulankan wuxuuna yiri.

“Wuxuu ka qeyb galay tababarkii maanta, laakiin haddii jawaabtiisu ay tahay mid wanaagsan, wuu ka qayb qaadan karaa kulankan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close