Man City vs Man United: Dhaadheerka vs Gaab-gaabyada….(Aqriso XOGTAN ka hor kulanka Berito ee Manchester Derby)

(Manchester) 10 Nof 2018. Manchester United ayaa berito Etihad Stadium kula balansan dariskooda Manchester City kulan xiiso gaar ah leh.

Macluumaad ay soo ururisay The Times ayaa sheegaya in xiddigaha safka hore ee Manchester United xilli ciyaareedkan ay yihiin kuwa ugu dhaa dheer horyaalka Premier League iyagoo isku cel celis dhirirkooda lagu sheegay 6ft 1.5in, waxayna kaalinta koowaad ku garaaceen kooxaha Watford iyo Huddersfield.

Halka safka hore ee Man City ee xagaagan lagu sheegay kuwa ugu gaa-gaaban horyaalka oo waxay xitaa inyar ka hooseeyaan kooxaha Arsenal, Bournemouth, Liverpool iyo Cardiff.

Inkastoo waxa la ciyaarayo aysan ahayn Basketball misane Jose Mourinho ayaa rajeenaya in dhiririkooda uu ugu yaraan wax uun u keeno.

Tokeo la picha la TALL ORDER Manchester City vs Manchester United: Derby pits Premier League’s tallest and smallest against each other

Labada koox ayaa ciyaara Taak-tiko gabi ahaan kala duwan.

Kooxda Guariola ayaa ciyaarta kubbad isku dhiib dhiib ah oo xawaare iyo cadaadis ku dhisan, Halka xarfaanta Jose Mourinho ay isku dayaan inay kulanka ku xukumaan xoogooda oo waxay ciyaareen ciyaar jir ahaan ku dhisan iyagoona kubbad toos ah la wadaaga muruq waynta weerarka kaga ciyaarta.

Daafaca Aymeric Laporte ayaa ah xiddiga ugu dheer Manchester City 6ft 3in oo waxay isku dhirir yihiin Lukaku iyo Pogba.Waxaana Cajiib ah in labadaan xiddig aysan xitaa ka mid ahayn saddexda ugu dhaa dheer safka Red Devils oo waxaa ka horreeya Nemanja Matic, Marouane Fellaini iyo Chris Smalling.

Tokeo la picha la TALL ORDER Manchester City vs Manchester United: Derby pits Premier League’s tallest and smallest against each other

Labada shax ee reer Manchester waxaa ugu gaaban Fred 5ft 6.5in waxaana meel dheer ka jirin Raheem Sterling, Sergio Aguero, Bernardo Silva iyo David Silva.

Tokeo la picha la TALL ORDER Manchester City vs Manchester United: Derby pits Premier League’s tallest and smallest against each other

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close