“Juventus way naga xoogan tahay, balse waan la dagaalami doonaa” – Gennaro Gattuso

(Milan) 10 Nof 2018. Tababaraha kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id ka hor kulanka xiisaha badan ee Juventus ay ku wada ciyaari doonaan mid ka mid ah kulamada 12-aad ee horyalka Serie A.

Kooxda AC Milan ayaa habeen dambe ku soo dhaweyn doonta garoonkeeda San Siro hogaamiyaasha horyalka Serie A ee Jeventus, kahor kulankan ayuu tababare Gennaro Gattuso ka hadlay dhowr arimood wuxuuna yiri.

“Juventus waxay heysataa koobab fara badan, waxay ku xoogan tahay meel kasta, sidoo kale wuxuu ku fiican tahay wax walba, waa kooxda ugu fiican yurub, waxay kala siman tahay Barcelona”.

“Imaatinka Cristiano Ronaldo waxay noqdeen kuwo maskax ahaan iyo khibrad ahaanba heersare ah, iyadoo ay taasi jirto, hadana Milan waxay ciyaari doontaa iyadoo madaxeeda sare yahay, inagoo aanu ka war qabno inay heystaan waxyaabo ka dhigaya inay naga xoogan yihiin, balse kubada cagta wax walba ayaa ka dhici kara”.

“Massimiliano Allegri waa macalinkeyga, waa saaxiibkey, isbuuc kasta mudo dhan 30 daqiiqo ee taleefan ah ayaan ku wada hadalnaa, waxaan ka heystaa xusuuso cajiib ah, waxaana ka faa’ideysanayaa talooyinkiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close