Javier Zanetti oo ka careysiiyay kooxda Juventus kahor maalin kulanka AC Milan

(Inter) 10 Nof 2018. Halyayga Inter Milan isla markaana ah madaxweyne ku xigeynka isla kooxdan ee Javier Zanetti ayaa la kulmay taageerayaasha Nerazzurri ee dalka Shiinaha.

Javier Zanetti ayaa sheegay hadal si weyn kaga careysiiyay  kooxda Juventus kahor maalin kulanka la wada sugayo ay kooxda AC Milan ku booqan doonaan garoonka San Siro.

Zanetti ayaa u xaqiijiyay jamaahiirta in Inter Milan ay garaaci karto Juventus, islamarkaana wuxuu sidoo kale amaanay shaqada weyn uu qabtay tababare Luciano Spalletti.

“Hadafkaynu waa inaan waqti walba la kulano taageerayaasha, gaar ahaan kuwa jecel horumarka kooxda Inter Milan”.

“Waxaan la dagaalameynaa dhamaan kooxaha, Inter Milan waxay awood u leedahay inay garaacdo koox kasta xitaa hadii ay timaado Juventus”.

“Bilawga bisha December, waxaan ku rajo weynahay inaan helno natiijooyin wax ku ool ah, sababtoo ah shaqada Luciano Spalletti ayaan raali ku nahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close