“Weligeey ma Arag Ronaldo oo kale.”.

(Europe) 09 Nof 2018. Mesut Ozil ayaa qiray in waagiisii Real Madrid uu la cajibi jiray inuu daawado howsha adag uu Ronaldo ka sameeyo xerada Tabaabarka.

Xiddiga saddexda Sano ku soo qaatay Real Madrid ayaa sheegay inuu isku dayi jiray inuu wax ka barto Ronaldo oo uu ku sheegay mid ka mid ah ciyaaryannada ugu fiican kubbada cagta adduunka ee ebid.

“Si adag ayuu dhabtii u shaqeeyaa, waa laacibka ugu horreeya ee yimaada Tababarka waana kan ugu dambeeya marka la baxayo.

Tokeo la picha la Mestu Ozil with Ronaldo

“Dabcan waan eegayay wixii uu sameenayay, xitaa wax u sahlan sida farsamadiisa shuudadka.

“Dhabtii waan ku raaxeystay inaan la ciyaaro isaga maxaa yeelay wuxuu iga dhigay mid ku fiican garoonka, bannaanka garoonka xitaa waa shaqsi fiican.

“Way sahlaneyd inaan la ciyaaro isaga maxaa yeelay uma baahnid inaad abuurto fursado badan.

“Xitaa haddii aan siiyo labo Baas wuxuu dhalinayaa labo gool waana sababta uu u yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ebid kubbada cagta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close