Unai Emery oo Fariin Damqasho leh u diray xiddigiisa Welbeck kaddib markii Xalay loola cararay Isbital

(London) 09 Nof 2018. Danny Welbeck ayaa u baahday in Oxygen lagu xiro ka hor inta aan garoonka Bareelo looga qaadin kaddib dhaawac daran oo Canqowga ka gaaray ciyaartii ay Arsenal bar baraha goola la’aanta xalay la gashay naadiga Sporting Lisbon.

Waxaa la tuhsan yahay inuu ka jabay Canqowga lugta Midig taa uu garoomada uga maqnaan karo inta ka harsan kal ciyaareedkan.

Dhaawaca ayaa sidoo kale wuxuu shaki wayn galinayaa mustaqbalkiisa Arsenal maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo xagaagan.

Tababare Unai Emery ayaa Fariin damqasho leh u soo diray xiddigiisa kaddib markii xalay Isbitaal loola cararay.

“Sabab kale oo wayn aan u dagaalano una guuleysano Axada soo socota, Arsenal oo dhan garabkaaga ayay taagan yihiin, waxaan rajeenayaa inaan goor dhow arko dhoola cadeyntaada iyo Tamartaada Danny!.”. Emery ayaa sidaa soo dhigay boggiisa Twitter ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close