RIKOODH: Benaadir oo noqotay kooxdii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee shaacisa Lacagaha ay Laacib ku soo iibsatay….(Waa Imise??)+SAWIRRO

(Muqdisho) 09 Nof 2018. Naadiga Benaadir ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee shaacisa lacagaha ay ku soo iibsatay laacib.

Dhawaan ayay soo xero galisay goolhayihiin Dekadda ee Saciid Aweys, iyadoona shaacisay inay ku soo xero galisay qiimo lacageed gaaraya 100 milyan oo Shilin Soomaali oo u dhiganta 4-kun oo Doolar.

Waa talaabo hormarin karta Ciyaaraha soomaaliya, maadaama ay arinkan tahay Rikoodh oo weli horey uma dhicin in la shaaciyo lacagaha lagu iibsaday laacib soomaaliyeed ee ka ciyaara horyaalka Dalkiisa.

Kooxda Banadir Sports Clup Kama mid ahan kooxaha dhaqaalaha ka hela Wasaaradaha Dowlada Waxaana ay hoos tagaan shaqsiyaad Somaliyeed ee u huray waqtigooda, Maankooda iyo dhaqaalahooda si ay u hormariyaan sports-ka Dalka .

Benaadir ayaa sidoo kale ah kooxdii ugu horeysay oo Ciyaartooy Ajaaniib ah keentay horyaalka Soomaaliya iyadoo markii dambe ay kooxaha kale badankooda la yimaadeen xiddigo Ajaanib ah oo qurxiyay hannaanka horyaalka.

Goolhaye Saciid Aweys ayaa iminka ah Goolhayihii ugu qaalisanaa ebid kubbada cagta Soomaaliya.

Astaan Sports ayaan Sawirrada ka soo xiganay.

Image may contain: 8 people, people standing

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 2 people, people standing

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close