Ozil oo Daaha ka rogay Saaxiibka ugu Qaalisan uu ku lahaa Real Madrid iyo kan ugu Codka Macaan dhanka Heesaha

(Europe) 09 Nof 2018. Mesut Ozil oo saddex sano ku soo qaatay kooxda Real Madrid ayaa daaha ka rogay saaxiibka ugu qaalinsa uu ku lahaa qolka dhar badelashada gegada Bernabeu.

Kubbad qaabeeyaha Arsenal ayaa sheegay in Sergio Ramos uu ahaa saaxiibkiisa ugu fiican isla markaana ay ilaa iminka xiriiraan isagoona sidoo kale daaha ka rogay in Kabtanka kooxda reer Spain uu yahay Heesaa shidan oo leh cod macaan.

“Waqti fiican oo guuleystay ayaan ku soo qaatay Real Madrid waxaana ku sameystay saaxiibo fiican,” 30-jirka ayaa sidaa yiri.

Tokeo la picha la Mestu Ozil with Ramos

“Saaxiibkeyga ugu fiican wuxuu ahaa Sergio Ramos welina waan xiriirnaa.

“Aniga ahaan, Ramos waa daafaca ugu fiican adduunka.

“Waa xarfaan fiican, saaxiib fiican iyo waliba Heesaa fiican! Rumeyso ama ha Rumeysan wuxuu leeyahay cod macaan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close