Miyuu kulanka Barcelona iyo Girona ka qabsoomi doonaa magaalada Miami? waxaa ka jawaabaya Javier Tebas

(Spain) 09 Nof 2018. Madaxweynaha maamulka horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa xaqiijiyay in ay bilaaween “dacwad sharciyeed” ee ku aadan kulanka La Liga ee dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Girona FC.

Kulanka u dhexeeya kooxaha Barcelona iyo Girona FC ayaa horey loo sii qorsheeyay in lagu ciyaari doono magaalada Miami ee dalka Mareykanka, balse muran xoogan ayaa arintan ka taagan.

Xiriirka kubada cagta ee dalka Spian ayaa horey waxay u muujiyeen sida weyn ay kaga soo hor jeedaan in kulamo qaar ka tirsan horyaalka La Liga lagu ciyaaro dalka Mareykanka, sidoo kale waa jira qaar badan ee ah kooxaha ay arintan quseyso oo dareen diidmo ah ka muujiyay.

Hadaba Javier Tebas oo raintan ka hadlayay ayaa weysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Naguma war galinin ilaa iyo haatan Xiriirka Kubada Cagta ee dalka Spian go’aankooda kama dameysta ah, hadii ay ahaan lahayd haa ama maya”.

“Waxaan bilaawnay dacwad sharciyeed ee ku saabsan goobta uu kulanka ka qabsoomi doono, laakiin waxaan aaminsanahay inaan heysano xuquuqda ah in kulanka lagu qabto magaalada Miami”.

Si kastaba madaxweynaha maamulka horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa sheegay inuusan wax warqad ah u dirin ilaa iyo haatan kooxaha Barcelona iyo Girona FC, taasoo sheegeysa inuusan qabsoomi doonin kulanka la sii qorsheeyay in la ciyaaro 26-ka bisha Janaayo ee soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close