Kooxda Chelsea oo dalab xoogan u diyaarineysa si ay u sameyso saxiixan bisha Janaayo

(Chelsea) 09 Nof 2018. Chelsea ayaa u diyaarineysa dalab xoogan si ay u sameyso heshiis dhanka weerarka ah, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri uu ka doonayo maamulka kooxda Chelsea inay sameeyaan saxiixa weeraryahanka kooxda Bournemouth ee Callum Wilson.

Callum Wilson oo haatan da’adiisu tahay 26 jir ayaa la fahansan yahay in suuqa kala iibsiga uu kaga qiimeysan yahay aduun dhan 35 milyan ginni.

Maurizio Sarri ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka 26 jirka reer England, kadib bandhigiisa wanaagsan uu ka sameeyay kooxda Bournemouth, tan iyo bilawga xili ciyaareedkan.

Callum Wilson ayaa ilaa iyo haatan u dhaliyay kooxdiisa Bournemouth 7 gool ee ah dhamaan tartamada kala duwan, waana sababta ay Chelsea ugu fikireyso inay lasoo saxiixato.

Wilson ayaa heshiiska uu ku joogo kooxda Bournemouth wuxuu gaarayaa ilaa iyo sanada 2022.

Wararka qaar ayaa waxay tilmaamayaan in Chelsea ay sidoo kale xiiseyneyso saxiixyada xidigaha kala Mauro Icardi oo ka tirsan Inter Milan iyo laacibka kooxda Genoa ee Krzysztof Piatek.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close