“Isma dhiibi doono kulanka Juventus” – Gennaro Gattuso

(Serie A) 09 Nof 2018. Macalinka kooxda AC Milan ee Gennaro Gattuso ayaa xaqiijiyay inuu si dhaqsi ah u bilaabi doono diyar garowga kulanka adag ay Axada kula ciyaari doonaan Juventus horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Hadalka Gennaro Gattuso ayaa wuxuu imaanayaa kadib barbarihii 1-1 ay xalay kula soo galeen kooxda Real Betis kulankii Europa League.

Gennaro Gattuso ayaa kulanka Real Betis kadib wareysi uu bixiyay waxaa soo xigtay wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga waxyaabihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa.

“Waxa xiligaan ka dambeeya waxaan ka fikiri doonaa kulanka Juventus”.

“Juventus waa mid ka mid ah kooxaha ugu xoogan aduunka, waa kooxda ugu cad cad ee kulankan guuleysan karta, lakiin iskuma dhiibi doono”.

“Waan ku qanacsanahay qaab ciyaareedka xidigaha Milan ee kulankii Real Betis, wali waxaan awoodnaa inaan hormar sii sameyno”.

Intaas kadib macalinka reer Talyaani ayaa wuxuu ka hadlay xaalada dhaawacyada ay ka qabaan labada xidig ee Hakan Calhanoglu iyo Pablo Musacchio.

“Waxaan sugi doonaa baaritaanada caafimaad si loo go’aamiyo xaalada dhaawac ee xidigaha Hakan Calhanoglu iyo Pablo Musacchio”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close