El Clásico: kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo si weyn ugu dagaalamaya saxiixa ciyaaryahankan

(La Liga) 09 Nof 2018. Sida uu daabacay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain kooxda Barcelona ayaa bilowday in xiiso balaaran ay ka muujiso saxiixa difaaca Corinthians ee Léo Santos.

19 jirkan ayaa wuxuu xiiso balaaran ka helayaa kooxo fara badan ee waaweyn ay ugu horeyso Real Madrid.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in difaaca garabka bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo uu kula taliyay maamulka inay sameeyaan saxiixa Léo Santos.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa iyadana qeyb kasoo noqotay loolanka loogu jiro saxiixa da’ayarkan, maadaama Ernesto Valverde uu si xoogan u xiiseenayo xidig si wanaagsan kaga garab ciyaari kara Gerrard Pique, Samuel Umtiti iyo Clement Lenglet.

Ernesto Valverde ayaa u muuqda midaan ku qanacsaneen qaab ciyaareedka difaacii hore kooxda Arsenal Thomas Vermaelen, sidaas darteed wuxuu baadi goob xoogan ugu jira saxiixa difaac cusub ee tayo sare leh.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Barcelona ay isku diyaarineyso inay wadahadal la furato kooxda reer Brazil ee Corinthians.

Balse sheekada xiisaha leh ayaa ah inaan marqaati ka noqon doono loolanka la filayo inuu ku dhax maro saxiixa  Léo Santos muruq weenayaasha dalka Spain Real Madrid iyo Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close