Danny Welbeck oo Isbitaal loola Cararay…+SAWIRRO

(Europe) 09 Nof 2018. Dhaliyaha Gunners Danny Welbeck ayaa Isbitaal loola cararay kaddib dhaawac daran oo ka gaaray Canqowga ciyaartii xalay ee Europe League ay la ciyaareen Sporting Lisbon.

Dhacdadan oo dhacday qeybta hore ee ciyaartii xalay ku idlaatay bar baraha goolal la’aanta ayaa keentay in xiddiga reer England lagu xiro oxygen ka hor inta aan Bareele garoonka looga qaadin iyadoona markii dambe la dhigay Isbital.

Welbeck ma uusan qarsan karin xanuunka haya sida ka muuqata Sawirada iyadoona dhaawaca gaaray uu yahay Jab Canqoga ah.

Kubbad uu madaxa booday kaddib ayuu si qaab daran dhulka ugu soo dhacay taa oo sababtay inuu gaaro dhaawac daran.

Waxaa lagu wadaa inuu garoomada muddo ka maqnaado iyadoona laga saari doono liiska xulka Xiddigaha England ee shalay la magacaabay.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close