“Waxaan awoodnay inaan guul taariikhi ah ka gaarno Manchester United balse…” – Massimiliano Allegri

(Juventus) 08 Nof 2018. Macalinka reer Talyaani ee kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa si caro leh kaga hadlay guuldaradii xalay kaga soo gaartay kooxda Manchester United kulankooda afaraad ee heerka group-yada tatanka Champions League.

Kooxda Juventus ayaa hogaanka ugu qabatay ciyaarta garoonkeeda Allianz Stadium ilaa iyo daqiiqadii 86-aad, kadib gool qurux badan uu u dhaliyay Cristiano Ronaldo, kahor inta uusan Juan Mata barbaro ka dhigin ciyaarta, isla markaana goolka kale uusan iska dhalinin difaaca Juve ee Alex Sandro.

Massimiliano Allegri ayaa kadib guuldaradii ay kooxdiisa Juventus kala kulantay Manchester United u sheegay saxaafada:

“Waa guuldaro niyad jab ah, sababtoo ah waxaan u ciyaarnay si wanaagsan, waa inaan xalinaa dhibaatada inaga heysata taabashada ugu dambeysa ee dhanka weerarka, sababtoo ah ma dhalin karno goolal marka aan ku guuleysano inaan kubada xakameyno”

“Manchester United waxay u dhaliyeen si cajiib ah, taasina waa waxay ay soo sameyn jireen xiliyadii lasoo dhaafay”.

“Si kastaba ha ahaatee, waxaan wali nahay kooxda ugu sareysa ee group-keena, laakiin waxaa la fahansan yahay in aan guuldaro kala kulanay Manchester United,

“Balse guuldaradu waxay inoo tahay faa’iido, waxaan baran doonaa inaanan u seexan xaaladahan oo kale, laakiin ugu dambeyntii waxaan ugu hambalyeeynayaa kooxda qaab ciyaareedkooda fiican, balse ma fiicna natiijo la’aan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close