SAWIRRO: Chelsea oo usoo gudubtay Wareega Bug Baxa Europe League

(Europe) 08 Nof 2018. Chelsea ayaa u soo baxday wareega 32-aad ee Europe League kaddib ciyaar silicsan oo ay 1-0 uga adkaatay BATE Borisov.
Blues ayaa soo bandhigtay ciyaartoodii ugu xumeyd xilli ciyaareedkan ilaa iminka iyadoo habacsanaan iyo kala daadsanaan xoogan ay ka muuqatay.
Gool madi ah uu u dhaliyay Olivier Giroud qeybtii labaad ee ciyaarta ayay ku adkaatay Chelsea.
Kooxda reer London ayaa 12-dhibcood u hogaamineysa group-keeda.
SAWIRRO:
Gool FM.