DEG DEG: Xulka England oo lagu dhawaaqay iyo Rooney oo lagu soo daray Liiska

(England) 08 Nof 2018. Waxaa la soo saaray liiska xiddigaha xulka England ee kulamada saaxiibtinimo la ciyaari doona xulalka USA iyo Craotia iyadoona si lama filaan ah loogu yeeray Xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda Saddexda Libaax ee Wayne Rooney.

Rooney ayaa qeyb ka soo noqon doona kulanka uu England 15-ka bisha ku wajihi doono Mareykanka kaa oo lacago ururin doono hey’adiisa samafalka wuxuuna kulanka noqon doona kiisii ugu dambeeyay uu u ciyaaro xulka Ingiriiska.

Xiddigii hore ee Manchester United qeyb kama noqon doono oo ma ciyaari doono kulanka Croatia uu England la ciyaari doono saddex maalmood kaddib kulanka USA.

Callum Wilson ee weerarka kaga ciyaara naadiga Bournemouth ayaa markii ugu horreysay looga yeeray xulka England.

Haddaba EEG liiska uu Magacaabay Tababare Gareth Southgate:

Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Dele Alli (Tottenham Hotspur), Ross Barkley (Chelsea), Marcus Bettinelli (Fulham), Jack Butland (Stoke City), Ben Chilwell (Leicester City), Fabian Delph (Manchester City), Eric Dier(Tottenham Hotspur), Lewis Dunk (Brighton & Hove Albion), Joe Gomez(Liverpool), Jordan Henderson (Liverpool), Harry Kane (Tottenham Hotspur), Michael Keane (Everton), Jesse Lingard (Manchester United), Ruben Loftus-Cheek (Chelsea), Alex McCarthy (Southampton), Jordan Pickford (Everton), Marcus Rashford (Manchester United), Wayne Rooney (DC United)*, Jadon Sancho (Borussia Dortmund), Luke Shaw (Manchester United), Raheem Sterling (Manchester City), John Stones (Manchester City), Kieran Trippier(Tottenham Hotspur), Kyle Walker (Manchester City), Danny Welbeck(Arsenal), Callum Wilson (AFC Bournemouth), Harry Winks (Tottenham Hotspur)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close