DEG DEG: Tottenham oo waayi doonta adeega Mousa Dembele inta ka harsan Sanadka

(England) 08 Nof 2018. Tottenaham ayaa dhabar jab xoogan la kulantay kaddib markii la xaqiijiyay in xiddigeeda Mousa Dembele uu garoomada ka maqnaan doono inta ka harsan sanadkan.

Dembele ayaa garoonka laga saaray ciyaartii ay Spurs 3-2 uga adkaatay Wolves usbuucii tagay, kooxda ayaana rajeynaysay in dhaawaca gaaray uu ahaa uun jug.

Laakiin tijaabooyin la marsiiyay ayaa iminka sheegay inuu dhaawac ka gaaray Canqowga lugta midig sidaa darteed uu garoomada ka maqnaan doono ilaa bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Dhaawaca ayaa Dembele gaaray mar ay kubbada ku dagaalamayeen xiddiga Wolves ee Helder Costa bilowga ciyaarta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close